IGAD:-“Madaxwaynaha cusub ee Puntland waa inuu wadashaqayn wanaagsan la yeeshaa Dowladda dhexe ee Soomaaliya,”

0

(Muqdisho) 09 Jan 2019 – Wakiilka urur Goboleedka IGAD ee arrimaha Soomaaliya Maxamed Cali Guuyo, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland, Siciid Maxamed Deni.

Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ammaanay doorkii ay ka qaateen Dowladda  federaalka, maamulka Puntland, Odayaasha dhaqanka iyo Ururrada Bulshada sidii ay si xalaal ah ugu dhici la hayd doorashada maamulka Puntland oo maalinimadii shalay soo afjaray..

Mr. Guuyo ayaa ugu baaqay madaxweynaha cusub ee Puntland, inuu la yimmaaddo hufnaan iyo maamul wanaag, islamarkaana uu si wanaagsan ula shaqeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamullada kale ee ka jira dalka.

Hadalsame Media