Sheekadii Daroonka oo markan u wareegtey garoonka Heathrow oo isna la xirey + Sawirro

0

(London) 08 Jan 2019 – Duullimaadyadii ayaa la hakiyey qiyaastii muddo saacad ah garoonka mashquulka badan ee London ee Heathrow, oo ah midka ugu mashquulka badan Yurub, ka gadaal markii “daroon lagu arkay” agagaarka, taasoo keentay in duullimaadyada la joojiyo fiidkan.

Shilkan ayaa imanaya wax bil uun ka yar kaddib markii ay qasantay habsocodkii shaqo ee Gatwick Airport, taasoo khasabtay in muddo 36 saacadood ah aanu garoonkaasi shaqaynin, saamaysayna 140,000 oo safre.

“Waxaanu ka jawaabaynaa daroon lagu arkay Heathrow. Taxadar ahaan waxaannu joojinney dayuuradihii kici lahaa inta aannu baarayno. Waxaannu musaafurka ka raalli gelinaynaa dhibkaasi.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay maamulka garoonka oo iminka dib u howl galay.

Garoomada Heathrow iyo Gatwick ayaa la fahamsan yahay in lagu xirey “qalab millateri oo daroonka dili kara” kaddib qaaquulladii Diseembar oo weli baaritaan lagu hayo.


Hadalsame Media