DEG DEG: Dugsi ay carruuri dhiganaysay oo weerar lagu qaaday + Sawirro (Daawo)

0

(Beijing) 08 Jan 2019 – Nin ayaa dubbe kala dhex galay carruur dhiganaysay dugsi hoose oo ku yaalla magaalada Beijing, isagoo dhaawacay ilaa 20, kuwaasoo ay 3 ka tirsani xaalad halis ah ku jiraan.

La tuhunsanuhu waa nin farsamo yaqaan ah oo dayactirka ku qaybsanaa oo iskuulka beri dhexdaas ah laga eryey, wuxuuna iskuulka oo ku yaalla degmada Xicheng soo weeraray abbaarihii 11:15am xillia maxalliga ah, waloow markii hore la sheegay inuu middi ku hubaysnaa waxaa haatan soo baxday inuu dubbe ama burris ku weeraray ilmaha yar yar.

Dhibbanayaasha dhaawacmay ayaa isbitaalka loo dhigay, iyadoo 3 carruurta ka mid ihi ay qabaan dhaawacyo halis ah, balse aan noloshooda khatar deg deg ah ku haynin, iyagoo xaalad ahaan deggan, sida uu qorayo South China Morning Post.

Hadalsame Media