Xukun dil ah oo lagu fuliyay labo qof oo horey dil uga gaystay Muqdisho

0

(Muqdisho) 07 Jan 2019 – Maxakamada Ciidanka Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay labo xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab kuwaas oo hore dil bareer ahaa uga gaytstay Magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu eedeeyey Cabdiraxmaan Ciise Cali iyo Xasan Cali Xasan inay sanadkii 2016-dii dil bareer ahaa ugu gaysteen degmada Wadajir Hilowle Xeefow Xuseen,oo kamid ahaa nabadoonada caanka ahaa ee degmadaasi. Xiliga la dilayay Nabadoonka waxaa uu sii galayay Masjid halkaasi ku yaala si uu u guto salaada Casir.

Raggaan dilka lagu fuliyay ayaa markii ay dilka gaysteen isku dayay inay baxsadaan hase ahaatee waxa si lama filaan ah luuq uga soo baxay askari hubeysan oo ka tirsan ciidamada dowladda waxaana uu dhaawacay labada eedeysane, sidaas ayaana lagu qabtay.

Horey ayaa waxaa ay maxakamaddu ugu ridday labadan qof xukun dil toogasho ah,waxaana maanta oo taariikhdu ay tahay 7/Janaayo/2019 lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa ee Maxakamadda Ciidanka Qalabka sida ay horey ugu xukuntay.

Goobta xukunka oo toogashada ay ka dhacaysay waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,kuwaasi oo sheegay in maxakamaddu ay heshey cadeymo muujinaya in ay gacan ku dhiiglayaal ahaayeen sidaasi darteedna loogu fuliyay dilka.

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa dhowr jeer oo hore xukuno ku fulisay xubno ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

Hadalsame Media