WARBIXIN XASAASI AH: Qaramada Midoobay xaafiiskeeda Muqdisho oo banaanka soo dhigay SIR badan oo aysan ogeyn Shacabka Soomaaliyeed +SAWIRRO

0

(Muqdisho) 07 Jan 2019 – Qaramada Midoobey gaar ahaan hay’addeeda u qaabilsan Miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa ee loo yaqaano Mine Action (UNMAS) ayaa qoraal kooban oo xasaasi ah ka soo saartay weerarkii madaafiicda ahaa ee lagu qaaday Xarunta UNSOM ee Xalane 1-dii bishan January 2019 sanadkaan. Weerarkaasi waxaa ku dhaawacmay sadex ruux oo labo ka mid ah ay yihiin shaqaale ka tirsan UNSOM.

Mine Action ayaa soo bandhigtay todobo goobood oo ay ku dhaceen illaa sideed madaafiicda hoobiyeha. Hay’adda ayaa sheegtay in nuuca qoriga la adeedsaday weerarka uu yahay 81mm nuuca hoobiyaha. Qorigaasi waxaa aad u isticmaala ciidamada Ingiriiska iyo Maraykanka, waxaana labada dowladood ay saameyn muuqata ku leeyihiin gobolka gaar ahaan Soomaaliya.

Hay’adda ayaa sheegtay in isla qorigaan hore loogu weeraray xarumo ay ka mid yihiin saldhiga Ciidamada Millatariga ee Turkiga ay ku leeyihiin Muqdisho iyo sidoo kale xarunta madaxtooyada Soomaaliya, Villa-Somalia.

Waxyaabaha cajiibka ah waxaa ka mid ah in Qaramada Midoobay gaar ahaan hay’addeeda Miinooyinka aysan haba yaraatee soo bandhigin macluumaadka weeraradii hore ee isla qorigaan loo adeegsaday ee lagu qaaday Madaxtooyada Soomaaliya. Taasi waxay abuurtay shaki badan oo la xiriira in hay’addaha shisheeye ee ku sugan xarunta Xalane aysan dan ka lahayn weerarada joogtada ah ee ka dhanka goobaha dowladda Soomaaliya iyo shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Shaqaalaha Hay’adda Miinooyinka ee Qaramada Midoobay ayaa inta badan lagu arkaa goobaha qaraxyada ay ka dhacaan ee Magaalada Muqdisho. waxay aruursadaan Macluumaadka goobta qaraxu ka dhacay dibna uma soo bandhigaan macluumaadka baaaritaankooda si la mid ah kan ay hadda Soo bandhigeen. Ciidamada dowladda Soomaaliya ma haystaan qalab casri oo ay ku ogaan karaan macluumaadka loo baahan yahay.

Qashirkii rasaasta hoobiyaha ayay soo bandhigtay hay’adda Miinoooyinka ee Qaramada Midoobay waxayna sidoo kale sheegtay in madaafiicdii ugu dambeysay ee lagu garaacay xarunta UNSOM ee Xalane laga soo tuuray DEGMADA KAXDA ee duleedka Magaalada Muqdisho. Hay’adda ayaa sheegtay in bartilmaameedka madaafiicda ay haleeleen goobihii lala rabay inkastoo aysan khasaare badan gaysan. Waxay si toos ah hay’addani u sheegtay in ururka Al-Shabaab uu leeyahay masuuliyada weerarka.

Shaacinta Hay’adda Miinooyinka ee Qaramada Midoobay ee goobta laga soo tuuray madaafiicdan ugu dambeysay ayaa sidoo kale banaanka soo dhigtay shaki badan oo ay qabaan shacabka Magaalada Muqdisho kuwaas oo aamisan in Hay’addaha reer galbeed ee degan Xalane aysan dan ka lahayn amniga shacabka gobolka Banaadir hase ahaatee ay islamarkiiba shaacinayaan macluumaadka xasaasiga ah marka iyaga madaafiicda loogu geeyo goobahooda.

Taliyihii hore ee Nabadsugida Soomaaliya Cabdullaahi Sanbalooshe ayaa xili hore ku eedeeyay hay’addaha Reer Galbeedka ee taageera dowladda Soomaaliya aysan dhab ka ahayn la dagaalanka falalka argagixiso ee ka dhaca Magaalada Muqdisho iyo goobaha kale ee dalka Soomaaliya. Arrintan ayaa noqonaysa arrin hurdada ka toosin karta dad badan, waase haddii uu weli nool yahay damiirku.

Hadalsame Media