Sharci mamnuucaya in xoolaha loo qalo qaab waafaqsan Shareecada Islaamka oo ka dhaqan galay Beligum (Dood ka bilaabatay)

0

(Brussels) 07 Jan 2019 – Dalka Belgium ayaa mamnuucday qaabka diiniga ah ee ay wax u gowracaan Muslimiinta & Yuhuudda taasoo iminka dhaqan gashay, iyadoo ay kooxaha muxaafidka ihi soo dhoweeyeen, halka ay kooxo dhaliilayaa ku tilmaameen tillaabo ka dhan ah Xorriyadda Diinta.

Mamnuuciddan ayaa waafaqaya xeerka Maxkamadda Yurub oo qaba in xayawaanka madaxa looga dhufto bir ka dusaysa maskaxda oo markiiba miir dabooleeysa ka hor inta aan la goowricin, si bay yiraahdeen aysan xanuunka u dareemin, waloow ay taa lafteedu xanuujinayso.

Yeelkeede, Muslimiinta iyo Yuhuudda ayaa isku raacsan in neefka la bireeyo isagoo miyir qaba, waxaana nidaamkaas oo loo yaqaan Xalaal iyo Koosher uu qabaa in neefka qoorta laga qalo markaasoo ay go’ayaan xiddido muhim u ah dhiig gaynta maskaxda, wuxuuna neefku ku miyir beelayaa ilbiriqsiyo.

Ku dhowaad 500,000 oo Muslimiin ah iyo in ka badan 30,000 oo Yuhuud ah ayaa ku nool dalkan yar oo ay guud ahaan dadkiisu dhan yihiin 11.3 milyan oo madax. Horseedka labadan bulsho ayaa ayaa arrintan ka hor yimid iyagoo kiiskooda la tiigsanaya Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka Belgium.

Hadalsame Media