DAAWO: FIFA oo ku dheggan Xiriirka Kubadda Cagta Somalia (Lacag lunsi la tuhunsan yahay)

0

(Addis Abeba) 06 Jan 2018 – Waxaa dhowaan soo baxay war sheegaya in la musuqo oo si gaar ah loogu takri falo lacagaha ay FIFA u qoondayso kubadda cagta Somalia gaar ahaan dhanka gabdhaha. Halkan ka akhri.

Shaima Mohamed, oo ah gabadha riixaysa qaddiyadda ku aaddan horumarinta kubadda cagta haweenka oo ka dhinsan dhanka Somalia ayaa The Guardian ku tiri: “Ma aqaanno halka ay lacagtu ka baxdo”, iyadoo dacwad rasmi ah gaarsiisey xiriirka caalamiga ah ee FIFA.

Waxaa haatan soo baxaysa in xafiis goboleedka FIFA ku leedahay Addis Abeba uu arrintan ku baraarugey isla markaana uu qorsheeynayo inuu si dhaqse badan ula kulmo xiriirka kubadda cagta Somalia, oo inta badan lagu eedeeyo musuq iyo ku takri fal awoodeed, iyadoo la sheegay in sidoo kale la dhunsado miisaaniyadda joogtada ah ee ay FIFA ugu tala gashay horumarinta guud ahaan kubadda cagta oo ay kuwa wiilashuna ku jiraan.

Waxaa la sheegay in xiriir kasta uu xaq u leeyahay lacag dhan $100,000 oo ay FIFA bixiso, balse aan la ogayn sida ay ku baxdo iyo waxa loo isticmaalo marka laga reebo kis yar oo lagu aamusiyo ashkhaas gaar ah.

Hadalsame Media