DAAWO: ”Inuu Farmaajo Hargaysa yimaado ceeb uma aragno haddii…” – Xisbiga Waddani

0

(Hargaysa) 06 Jan 2019 – Khadar Xuseen Cabdi oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani ee Somaliland ayaa ka hadlay go’aankiisa ku aaddan sida loo wajahayo madaxda DF Somalia oo ay Somaliland sheegato inaysan hoos tegin.

“Haddii uu maanta Madaxweynaha Soomaaliya Hargeysa imaanayo oo arrinteena aan kala hadlayno anigu ceeb ku jirta ma arko.” ayuu yiri Xoghayaha Xisbiga Waddani mar ay Goobjoog waydiisey sababta uu ula kulmay rag ka socdey DF Somalia.

Khadar ayaa hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay ku khasban tahay inay xaqiiqada jirta wajahdo, maaddaama aysan jirin dowlad beer jileec u muujinaysa qaddiyadda Somaliland ay tahay la xaajoodaan dowladda Somalia, isagoo farta ku godey in ay tahay inay inta garnaqsadaan ay bedelaan koorsada ay ku socdaan.

”Qaar aysan waxba naga dhexeeynin oo aan na aqoonsanayn baan caleemo qoyan kusoo dhowayn lahayn haddii ay yiraahdaan waannu imanaynaa.” ayuu yiri Khadar oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanka ah ee Somaliland.

Hadalsame Media