Maraykanka oo dhimaya ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya

0
399192 06: The Pentagon logo and an American flag are lit up January 3, 2002 in the briefing room of Pentagon in Arlington, VA. (Photo by Alex Wong/Getty Images)

(Washington) 05 Jan 2019 – Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka ayaa sidoo kale sheegtay in hoos loo dhigo weerarada dhanka cirka ee ciidamadoodu ka fulayaan dalka Soomaaliya kuwaas oo labaddii sanno ee la soo dhaafay xoogaystay.

Pentagon-ka  ayaa sheegtay inay qorsheynayaan inay yareeyaan doorkooda Soomaaliya iyo inay xadidaan duqeymaha lala beegsado goobaha ay maamullaan ururka Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Milliteriga Maraykanka oo la hadlay Telefishinka NBC ayaa sheegay inay tallaabadan caddayn u tahay in Maamulka Madaxweyne Donald Trump qorsheynayo in la dhimo tirada ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalalka colaaduhu ka jiraan. Qiyaastii 500 oo askari ayaa hadda Maraykanka kaga sugan Soomaaliya

Hase ahaatee saraakiil ka tirsanaa Millatariga Maraykanka ayaa walaac ka muujiyay tallaabadaan cusub iyagoona ka digay in ururada mitidiintu sii xoogaystaan haddii howlgalada cirka la yareeyo.

Hadalsame Media