WAR CUSUB: Qaramada Midoobay oo sheegtay inay bedelayso wakiilkeedii Soomaaliya. Mr. Nicholas Haysom (Sababta)

0

(New York) 04 Jan 2019 – Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Farxaan Xaq ayaa maanta galinkii dambe sheegay in Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters si weyn kalsooni ugu qabo Mr. Nicholas Haysom hase ahaatee uu aad uga shalaayayo in Soomaaliya ay ceyriso.

Laakin Farxaan Xaq ayaa sheegay in xoghayaha guud uu hadda qorsheynayo inuu Soomaaliya u soo diro wakiil cusub maadama sida uu yiri UN-ka shaqooyin muhiim ah ka hayaan Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa la sheegay in ugu yaraan Labo Jeer uu qadka Teleefanka kula hadlay Madaxwaynaha Soomaaliya isagoo ka codsaday in Soomaaliya ka laabato Go’aanka lagu Ceyriyay Haysom, hase ahaatee Madaxwayne Farmaajo waa diiday dalabkaasi, sidaasi waxaa sheegay afhayeenka Antonio Guterres ninka la yiraahda Farxaan Xaq. Aqriso, Qoraalkiisa oo English ah, waxna laga jarin waxna lagu darrin.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay Nicholas Haysom, wakiilkii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kadib markii lagu eedeeyey inuu ku xadgudbay Madaxbanaanida Soomaaliya.

Hadalsame Media