Guddoomiyaha Baaralamaanka Puntland oo la doortay & dhiggiisa Aqalka Sare oo u hambalyeeyay

0

(Garoowe) 04 Jan 2019 – Guddoonka Aqalka sare ee Dowladda federaalka Soomaaliya, Md Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa u hambalyo hawada u mariyay dhiggiisa C/kariin Maxamed Axmed  oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland.

Md Xaashi, ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyay guul, wuxuuna Alle uga baryay inuu xilkiisa ku dhammaysto wanaag, isagoo ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sidii uu isugu duubi lahaa Dadka uu matalo.

Md Axmed  ayaa wareeggii ugu dambeeyay guusha ku hantiyey codad gaaraya 43, halka murashixii la tartamayay ee Cabdi Jamaal Cusmaan Maxamed uu helay 23 Cod, waxaana imminka socda doorashada ku xigeennadiisa.

Hadalsame Media