”VAR waxaa xukunta Juventus, sidaas darteed iyadaa qaadaysa horyaal walba!” – Agaasimaha RAI 2

0

(Roma) 03 Jan 2019 – Maareeyaha Cusub ee Rai 2, Carlo Freccero, ayaa sheegay in Juventus ay “xukunto aaladda VAR” iyo “hab dhaqaaqa” ciyaaraha Talyaaniga.

Waxay ahayd arrin aan markii hore loo fadhiyin balse dhacday xilli uu shir jaraa’id qabanayay ninka ku shaqada leh go’aan gaarista hilinka Talyaaniga ee u dhigma BBC2, maaddaama labadoodaba lagu kharash gareeyo hantida dadwaynaha.

Mar lagu kediyay su’aal ku saabsanayd in hilinka RAI, oo haatan soo daaya Coppa Italia iyo Italian Super Cup, iyo sidoo kale dhowr kulan oo Champions League ay ciyaaro kale oo dhanka horyaalka ah qaadanayaan, jawaabtiisu caadi ma ahayn.

“Waxaan kaliya daawadaa Premier League hadda, maxaa wacay Juventus oo qura ayaa Talyaaniga ku guulaysata. Waxaana ugu wacan inay xukumaan qalabka VAR oo dhan, waa arrin aan caadi ahayn.” ayuu yiri.

“VAR oo idil iyagaa gacanta ku haya. Iyagaa dhadhaqaajinaya, iyagoo kan iyo kaasba samaynaya… waa wax kaa xanaajinaya. Forza Roma!” ayuu daba dhigay.

Ma cadda inuu xukumidda VAR (Video Assistant Referee), ula jeedo saraakiisha ku shaqaysa iyo inuu ka wado tiknolojiyaddan lafteeda.

Yeelkeede, la arki doonee haddii ay Juventus arrintan ka jawaabayso ama ay xitaa qaaddacayso inay waraysi siiso hilinkan oo hoos taga dowladda Talyaaniga.

Hadalsame Media