XANTA SUUQA: Wararkii ugu dambeeyay ee suuq-jiilaalka Jannaayo oo maanta furmay

0

(London) 03 Jan 2019 – Waxaa dib loo furay suuq-jiilaalka bisha Jannaayo oo maanta oodda laga qaaday, haddaba, waxaannu muddada uu furan yahay idiin soo gudbin doona xanta suuqa kala iibsiga & xiddigaha lakala doonayo.

Man United iyo Arsenal oo wada bursanaya Barella

Manchester United iyo Arsenal ayaa ku dagaallamaya adeegga laacibka khadka dhexe ee Cagliari ee Nicolo Barella, sida ku dhigan Corriere dello Sport.

Benatia oo riixaya ka tegitaanka Juve

Gaashaanka Juventus ee Medhi Benatia ayaa rajaynaya inuu helo dhabbe uu uga tago kooxda reer Torino isla suuq jiilaalkan Jannaayo, sida uu qorayo Calcio Mercato.

Real Madrid oo qarka u saaran Mohamed Mizzian

Real Madrid ayaa qarka u saaran inay xaqiijiso adeegga hujuumka Melilla ee Mohamed Mizzian, iyadoo 18-jirkan ku qaadanaysa qaab amaah ah, sida uu qorayo Don Balon.

Bayern oo dalab labaad ka gudbisey Hudson-Odoi

Bayern Munich ayaa karaarinaysa cayrsiga garabka Chelsea ee Callum Hudson-Odoi, iyadoo miiska saartay dalab cusub oo gaaraya €33m ($37m, £30m) si ay u hesho 18-jirkan.

Chelsea oo lasoo degdegaysa muluqa Kyle Scott

Chelsea ayaa muluqa Kyle Scott dib usoo ceshanaysa 6 bilood ka hor dhamaadka amaahdii uu ugu maqnaa naadiga Dutch-ka ah ee Telstar isagoo rajaynaya inuu safka kooxda kasoo muuqdo, sida lagu qoray webka rasmiga ah ee kooxda.

Inter Milan oo isha ku haysa laba Serie A ka dheesha

Laacibiinta khadka dhexe ee Brescia, Sandro Tonali iyo Cagliari, Nicolo Barella, ayaa waxaa wada xiisaynaysa kooxda Inter Milan, sida uu faafiyay webka Calcio Mercato.

Napoli oo isha ku haysa Lozano

Napoli ayaa xiisaynaysa qannaaska PSV Eindhoven ee Hirving Lozano oo 23-jir ah, kaasoo ay kooxda Dutch-ka ihi ku qiimayso €35m oo euro, sida ku dhigan Calcio Mercato.

Chelsea & Spurs oo ku raad jooga Kessie

Kooxaha ku coltama Premier League ee Chelsea iyo Tottenham ayaa ka mid ah kooxaha doonaya laacibka khadka dhexe ee AC Milan ee Franck Kessie oo ah 22-jir u dhashay Ivory Coast, sida ku qoran TMW.

Solskjaer oo aad u danaynaya inuu sii joogo

Ole Gunnar Solskjaer ayaa qirtay inuu quud darraynayo inuu kusii fadhiyo kursiga macallinnimo ee kooxda Manchester United wax ka badan ilaa bisha Maajo oo ay ku egtahay xilliga uu ku simaha KMG ah ka yahay kooxda United.

Liverpool oo Sturridge qandaraaska u kordhinaysa

Liverpool ayaa ka baaraandegeysa inay qadaraas cusub usoo bandhigto Daniel Sturridge, kaasoo ay xiisanaynayaan kooxo ay ka mid yihiin AC Milan, Sevilla, Inter iyo dhowr kooxood Chinese ah maadaama uu qandaraaskiisu dhacayo xagaagan, sida ku qoran Daily Mail.

The England international striker is set to see his current deal expire in the summer, with the likes of AC Milan, Sevilla, Inter and several Chinese clubs keeping a close eye on his situation.

Juve iyo RB Leipzig oo kusoo biiray hardanka Hudson-Odoi

Juventus iyo RB Leipzig ayaa kusoo biiray camaaliqada Jarmanka ah ee Bayern Munich iyagoo ku hardamaya muluqa Chelsea ee Callum Hudson-Odoi sida uu qorayo Sky Sports

Sarri: Ma ogayn in Chelsea soo qaadanayso Pulisic

Macallinka Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa qirtay in aan waxba laga ogaysiinin saxiixa Christian Pulisic. Laacibkan Maraykanka ah ayay Blues kusoo qaadatay £58 milyan (€64m/$73m) iyagoo dib u amaahiyay Borussia Dortmund oo ka macaashayda inta fasalkan ka dhiman.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media