SAWIRRO: Wax ka ogow Dooda Musharaxiinta hoggaanka Puntland oo billaabanaysa

0

(Garowe) 01 Jan 2019 – Wararka laga helayo Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socoto diyaar garow balaaran oo loogu jira dood ay yeelan doonaan Musharaxiinta hoggaanka sare ee Puntland.

Diyaargarowgii ugu dambeeyey ee dooda Musharraxiinta madaxtinimada Puntlanf 2019 ayaa mar dhow ka bilaaban doonta jaamaccada PSU ee Magaalada Garowe.

Doodaan ayaa warsidaha Hadalsame fahansan yahay inay dhexmari doonto dhamaan musharaxiinta u cararaya hoggaanka maamulka Puntland, halkaasi oo xalay looga dhawaaqay liiska Golaha Wakiilada maamulkaasi oo ka kooban 66 xubnood.

Musharixiinta ayaa gaaraya ku dhawaad 30 waxaana ka mid ah Madaxwaynaha xilkii ka sii dhamaanayo Cabdiwali Cali Gaas.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana la filayaa in doorashadaan oo Isha lagu hayo ay dhacdo 8-da Bishaan.

Hoolka Dooda
Hoolka Dooda ee Jaamacadda PSU

Hadalsame Media