Halkee xeerka DIBLOMAASIYADDA caalamka ka cuskan karaa go’aanka DF Somalia? (Akhri Cahdiga Vienna)

0

(Muqdisho) 01 Jan 2018 – Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somalia ayaa soo saartay war saxaafadeed rasmi ah oo ay Persona non grata ku siinayso Ergayga QM u fadhiya Somalia Nicholas Hysom oo ay ku eedaysay inuu jabiyay sharciyaddii hay’adda soo dirsatay isla markaana uu farageliyay arrimaha gudaha dalka.

Madaxda iyo howlwadeennada diblomaasiyadeed sida kuwa QM iyadoo ku xiran hadba heerka ay darajadiisu joogto qofka, wuxuu leeyahay xasaanad ka ilaalinaysa in dacwad lagusoo oogo sida ay qabaan qodobbada 41 iyo 42 ee Cahdiga Vienna Convention, ha yeeshee waa inay ixtiraamaan shuruucda iyo xeerarka qaran ee uu leeyahay dalka ay joogaan.

Haddii se ay dhacdo inay ixtiraami waayaan waxay keeni kartaa in loo jaro waxa afka diblomaasiyadda lagu yiraahdo persona non grata oo ah qof aan laga rabin goobta loo diray oo ah dalka marti gelinaya, waxaa sidoo kale go’aankaa loo adeegsadaa diblomaasiyiinta lagu helo inay basaasayaan dalka ay joogaan ama inay howlo kale oo dembi ah ku jiraan sida daroogo gudbin iwm, taasoo aan la jaanqaadi karin qiyamkooda diblomaasiyadeed.

Hadalsame Media