Yaa CUNAYA cadka ugu wayn? Arag sida loo kala qoondeeyay Miisaaniyadda Somalia 2018

0

(Muqdisho) 31 Dis 2018 – Golaha Shacabka ayaa shalay ansixiyay Miisaaniyadda Dowladdu ku shaqeyn doonto sannad  2019-ka oo berri ka bilaabanaya, kuna dhammaan doona 31 December.

Miisaaniyadda sanadka 2019 ayaa ahaa tii ugu qarashka badneyd ee dowladda isticmaali doono muddo shan sano kaddib, laga soo bilaabo sanadkii 2013, xilligaasoo aheyd markii u horeysay ee uu dalka Miisaaniyad yeesho.

7-dii sano ee u dambeeyay ayay Miisaaniyadda dalka kor u sii kaceysay, waxaana sare ay u kacday 307%, sida ay soo shaxda Hey’adda Wakiil oo ka faaloota arrimaha dowlad wanaaga iyo Dimoqraadiyadda ee Soomaaliya.

Haddaba waxaa halkan idin ku soo bandhigeynaa Miisaaniyadda sanadka 2019 iyo sida loo qorsheeyay:-

Miisaaniyadda 2019-Ka

Wadarta guud ee miisaaniyadda sannadka 2019-ka waa $340,060,149. Waxay dhowr milyan dheer tahay miisaaniyadda sanadkii hore oo gaaraysay 274.6 Milyan oo doolar.

Waxay miisaaniyadan ku dhisan tahay laba dakhli oo kala ah midka gudaha ee ah canshuuraha kala duwan ee ay dowladdu qaaddo iyo dakhliga ka yimaada deeqaha la siiyo dowladda.

Dakhliga gudaha ayaa la filayaa inuu noqdo 55.8%, guud ahaan wadarta miisaaniyadda, halka deeqaha la filaayo ay miisaaniyadda ka noqon doonaan 44.2%.

Dakhliga gudaha waxa uu ka imaanayaa canshuuraha kala duwan ee ay dowladda soo ururiso sida canshuurta dakhliga iyo faa’iidooyinka, canshuurta faa’iidada ganacsiga iyo canshuurta adeegga iyo agabka.

Deeqaha dibadda waxay noqonayaan kaalmada hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Bankiga Aduunka, Midowga Yurub iyo deeqaha dalalka saaxiibadda la ah Soomaaliya sida Turkiga, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Qatar.

Qoondada Miisaaniyadeed ee Xafiisyada Dowladda

Hay’adaha adeegga maamulka oo ka kooban xafiisyo dowladeed oo dhowr ah sida maxkamado, wasaarado, safaarado iyo guddiyo kala duwan ayaa looga qoondeeyay miisaaniyadda sanadka soo socda lacag dhan $135,204,188, waxaana kamid ah hay’adaha adeegga maamulka:

1- Xafiiska Madaxtooyada: $5,838,587.

2- Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya: $5,777,630

3- Xafiiska Golaha Shacabka: $5,338,481.

4- Xubnaha Golaha Shacabka: $14,449,312

5- Xafiiska Aqalka Sare: $4,103,520

5- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka: $3,000,000

6- Maxkamadda Gobalka Banaadir: $1,499,432

Hay’adaha adeegga difaaca iyo amniga, oo ka kooban wasaarado, maxkamado iyo hay’ado amni, waxaa loo gaar-yeelay qoondo dhan $110,767,024, waxaana hay’adahaas kamid ah:

1- Wasaaradda Gaashaandhiga: $ 2,632,780

2- Wasaaradda Amniga Qaranka: $2,007,452

3- Hay’adda Nabadsugidda Qaranka: $12,505,680

4- Taliska Ciidanka Xoogga Dalka: $62,193,336

5- Maxkamadda Ciidamada: $1,456,000

Hay’adaha adeegga dhaqaalaha oo ka kooban wasaarado iyo hay’addo horumarineed waxay miisaaniyadda ku leeyihiin dakhli dhan $24,203,206, Waxaana hay’adahaas kamid ah Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Dekadda Xamar iyo Hay’adda Cilmi Baarista Badaha Soomaaliyeed.

Adeegga Bulshadda waxaa miisaaniyadda looga qorsheeyay lacag dhan $23,119,231. Waxaa lacagtan loo gaar-yeelay Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada, Isboortiga iyo Dhallinyarada iyo Wasaaradda Haweeenka iyo Horumarinta Xuquuqul Aadanaha.

Waxaa kale oo qeyb ka ah qoondada miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019-ka mashaariic ku kacaysa qiimo lacageed oo dhan $46,766,501.

Xigasho: Kalfadhi iyo Wakiil

Hadalsame Media