MUCAARADKA TITAANIGGA: Qarankaygu ha qasnaado aniguna aan qurbe joogo!

0

(Hadalsame) 31 Dis 2018 – Waxaa sanadihii u danbeeyey Yurub aad usoo galay Soomaali soo tahriibtay kuwaas oo badankoodu soo maray saxaaraha Sudan-Libya . Waxay la soo kulmeen meel ka dhacyo badan oo xagga jirka iyo kuwa maskaxdaba ah
( physical and mental abuse).

Taasi waxay ku reebtay ma hadho xagga maskaxda ah badankooduna waxay ku jiraan xaalad jahwareer ( trauma).
Waxaa intaas usii dheer badankoodu waxay kusoo tahriibeen lacago loo soo amaahday iyo dhulal loosoo iibiyey.

Waxay magan-galyo ka dalbadeen wadamada yurub Sida Jarmalka iyo skandanevianka halkaas oo badankooda laga siiyey sharciyo ku meel gaadh ah, loona sheegay in dib loogu celinayo dalkooda marka xaaladu saamaxdo.

Qolyahaan Tatani-ga loo yaqaano Waa kuwa ugu badan ee dalka ka qora waxyaalaha negative-ka ah. Waxay iska dhigaan oo ku gabadaan magaca mucaarad iyagoo buunbuuniya wax kastoo xumaan ah waqtiga inta badanna waxay ku bixiyaan social media-yaha maadama aysan wax camal ah haynin. Waxay caayaan madaxda dawladda.

Waxay ku doodaan kuna sheekeeyaan inaysan dalka Soomaalia uu ka liito markii ay kasoo tagayeen ayna ahayn meel lagu noqon karo amaba lagu noolaan karo intooda badanna kuma farxaan wixii wanaag ah ee dalka lagasoo sheego halka ay xumaantiisa buunbuuniyaan.

Muddo badan oo aan u fiirsanayey qolyahan waxaan ogaaday in ay u badan yihiin labadaan wadan Belgium iyo Jarmalka.

Gabagabadii qolyahaan waxaan leeyahay walalaayaal haddii laydin celiyo waxaa laydinku celinayaa dalkiinii iyo dadkiinii Ee wadanka habaarka nooga daaya oo hadaydaan wax ku kordhinaynin ka daaya wax u dhimiddda idinkoo raja ka qaba inaad mar uun qaadataan baasaboor Ajnabi. Mardhawna baasaboorka Soomaaliga ah ayaa caalamkoo dhan lagu tagi, waa hadaad baasaboor u bugtaan.

Waxaan kaloo qirayaa inay jiraan wiilal iyo gabdho wanaagsan oo dadka soo tahriibay ka mida oo wanaagga dalka iyo dadkaba jecel.

Kuwa aan ka hadlayo Waa kuwa magaca mucaaradka ku gabada Laakiin ka naxa wax kastoo wanaag ah oo dalka laga soo sheego isla markaana buunbuuniya beenta iyo negative-ka.

Waxaa Qoray: Cabdirashiid Buulle

AFEEF: Qoraalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media