DAAWO: Gabar soorto dayuuradeed ah oo ku dhaqaaqday tillaabo aad loogu amaanay!

0

(Manila) 30 Dis 2018 – Haweeney soorto ah ayaa qaadday tillaabo dheeraad ah kaddib markii ay la kulantay haweenay ay ka dhamaadeen caanihii ay siin lahayd cunugeeda yar, jeer ay duullimaad maxalli ah ugu kala gooshayeen gudaha dalka Filibiin.

Gabadha soortada ah oo ka shaqaysa Philippine Airlines magaceedana la yiraahdo Patrisha Organo ayaa maqashay ilmaha yar ee ooynaya markii ay dayuuraddu kacday waxayna sheegtay in ay “u dhowaatey oo ay waydiisey haddii ay wax kastaahi caadi yihiin,” sida ay ku qortay boggeeda Facebook oo ay kusoo bandhigtay sawir muujinaya iyadoo ilmaha yar naaska u daynaysa.

Organo, oo lafteedu gabar yar haysata, ayaa sheegtay inay “qanjaruufo qalbiga ka dareentay” markii ay aragtay ilmaha yar ee ay caana la’aantu hayso. “Waxaan iskula hadlay inay jiraan hal wax oo aan samayn karo waana inaan bixiyo caanahayga, waana ugu yaboohay,” ayay soo qortay iyadoo sheegtay inay hooyada indheheeda ka dareentay farxad wayn markii ay ilmaha yar gaysey Galley-ga si ay naaska u jaqsiiso.

Hadalsame Media