Wiil la kacay gabadhii sara joog hal gerileey ee uu dhalay Paul Kagame + Sawirro

0

(Ntebe) 30 Dis 2018 – Ange Kagame, oo ah curad-xigeenka Kagame iyo gabadha qura ee madaxwaynaha Rwanda ee Paul Kagame ayaa si buuxda suuqa uga baxday.

Waxaa shalay la gangamay arooska Ange iyo Bertrand Ndengeyingoma, oo ah dadka yaqaanna qorshaynta magaalooyinka, kuwaasoo isku guursadey xaflad dhaqameed lagu qabtay guri qaali ah oo uu aabeheed ku leeyahay magaalada Ntebe.

Caruuska, oo caan ku ah Billy, oo ah magaca uu caan ku yahay, ayaa kasoo qalin jebiyay London School Economics isagoo Master ku qaatay City Planning.

Wiilkan oo 24-hir ah ayaa sidoo kale BSc degree ka haysta Civil Engineering kaasoo uu ka qaatay Massachusetts Institute of Technology (MIT).

Ange oo iyadu dhanka kale ku dhalatay Brussels sanaddii 1993-kii ayaa haysata degree ah culuunta siyaasadda oo ay ka qaadatay Smith College, Massachusetts, USA.

Labada caruus ayaa la arkayay iyagoo xiran dhar dhaqameedka dalkaasi Rwanda ee umushanana iyadoo uu Ange ay midab cagaaran ku joogtey, halka Billy uu dhar cad gashanaa.

Hadalsame Media