Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Miisaaniyad sanadeedka cusub iyo sharciyo kale oo muhiim ah

0

(Muqdisho) 30 Dis 2018 – Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay miisaaniyadda dowladda Federaalka ee 2019.

174 Xildhibaan ayaa ogolaaday, ma jiro Xildhibaan ka aamusay ama diiday ansixinta miisaaniyadda dowladda 2019.

Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ugu codeeyay xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo dib u eegis lagu sameeyay.

170 xildhibaan ayaa ogolaatay, waxaana diiday hal xildhibaan, mana jirin wax ka aamusay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal oo kulanka shir guddoominaya ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanada qaranka ay cod wada ogol ah ku ansixiyeen xeer hoosaadka oo dib u eegis balaaran lagu sameeyay.

Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay sharciga howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida oo ay soo diyaariyeen guddiga difaaca ee Golaha Shacabka.

171 Xildhibaan ayaa ogolaatay, waxaa diiday 2 Xildhibaan, Xildhibaan ka aamusayna ma jiro.

Guddoomiyaha guddiga difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka sida wanaagsan oo ay u ansixiyeen sharciga howlgabnimada,xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida.

Dhinaca kale Waxaa wali xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ka socda kulanka 32-aad ee golaha shacabka, iyadoo wali uu dhimanyahay u codeynta Miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka.

Hadalsame Media