LA YAAB: Ciraaq oo Ciidda Masiixiga ka dhigtay fasax qaran!

0

(Baqdaad) 25 Dis 2018 – Ciraaq oo sheegatay in Christmasku yahay fasax qaran. Doowlada ciraaq ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Dabaal daga Christmas uu yahay fasax qaran oo shaqooyinka laga nasan doono wixii iminka ka danbeeya.

Shacabka ciraaq oo tiradooda lagu sheego 37 million waxaa dad Muslim ah 95%. Sidoo kale diinta rasmiga ah ee dalka ciraaq waa islaamka, balse waxaa jira dad yar oo haysta diimaha Masiixiyadda iyo kuwo kale.

Arintan ayaa waxaa hada Aad u hadal haya saxaafadu reer galbeedka oo u arka in ciraaq ay tusaale u noqo karto wadamo kale oo muslimiintu ku badanyihiin balse ay dad masiixi ah ku nool yihiin. Arrintan ayay dad badani la yaab ka muujiyeen.

Waxaa Diyaariyay: MM Dhoorre

Hadalsame Media