NOOCYADA DHALIILAHA: Dhaliil togan & dhaliil taban (Wax ka baro!)

0


(Hadalsame) 25 Dis 2018 – Aqoonyahano badan ayaa qoraalo aan tiro yareyn ka sameeyay hanaanka ugu haboon ee loo soo koobi karo noocyada dhaliilaha iyo sida loo wajaho.

Marka Aad dhaxmushaaxdo qoraalada arintan laga sameeyay waxaa kuu soo baxaya labo nuuc oo dhaliisha loo kala qaado.

1 – Dhaliil Togan (Constructive Criticism)

Tani waa dhaliisha togan ee ka madax banaan Dan gaar ah waana hanaan qofku ku muujiyo waxa qaldan isaga oo soo bandhigaya fikradiisa caafimaadka qabta waxaana arintan ay wax u tartaa oo ka faa,iideysta dadka la dhaliilay.

2 – Dhaliil Taban (Destructive Criticism)

Waa hanaan ku dhisan laab lakac ay ka buuxdo shaqi naceyb iyo dhaliil ku saleysan dano gaar ahaan waxaana haboon in dadka dhaliishaan loo jeediyay ay iska indho tiraan oo aanay waxbo ka soo qaadin si aanay u niyad jabin.

Waxaa Diyaariyay: MM Dhoorre

Hadalsame Media