HABACSANAAN: Sida kaarar la iska qaybiyo & dagaal qaboow oo ka dhexeeya hay’adaha amaanku uu khalkhal u geliyo amaanka Muqdisho (Warbixin)

0

(Muqdisho) 23 Dis 2018 – Sabtigii shalay ahaa, ayaa waxaa Muqdisho ka dhacay laba weerar oo is miidaamin ahaa oo ay ku dhinteen dad badan oo rayid iyo askarba ka koobnaa.

KAARAR FARA KA BAX AH!

Marka haddaba laga soo tago arrin soo jireen ah oo ahayd inay qolyaha wax qarxiyaa adeegsadaan dharka iyo agabka ciidamada dowladda waxaa la sheegay in gabar waddey gaarigii ku qarxey isgooyska Hooyooyinku ay wadatey kaar weliba kaarar iskuma jiraane midka VIP-da ee Madaxtooyada ah iyadoo si sahal ah kusoo gudubtey dhowr isbaaro, sida ay ilo hoose oo aynaan magacaabaynin u sheegeen Hadalsame.

Waxaa naloo xaqiijiyay inay kaararka hay’adaha kala duwan ee dowladda ay haystaan dad kumannaan ah oo si fudud ku hela, waxaa kaloo jirta in kaararka VIP-da ee loogu gudbi karo Madaxtooyada Somalia ay haystaan dad kun ku dhowaad ah. Dadkaa waxaa kaararka ugu qoran jagooyin iyo xilal been abuur ah (titles) oo marka lasoo saarayo uun la iskaga qoro, waxayna dadkaasi galaangal u leeyihiin sharciyan inay galaan meelo badan oo xasaasi ah.

Waxaa ka sii daran oo aannu xogta ku helnay in kaararkaasi ay daabacaan gacmo 2-aad oo qandaraasyo ku haysta oo aysan dowladdu gacanta ku haynin, taasoo keeni karta in gacantaa labaad ay awood u yeelan karto inay kaararkaa iyadu iskeed u daabici karto haddii ay u baahato, caadiyanna aysan sax ahayn in kaararka dowladda ay soo saari karto cid aan dowladda ahayn.

DAGAAL QABOOW IYO HABACSANAAN KA DHEX JIRTA HAY’AADKA AMAANKA

Waxaa Hadalsame loo xaqiijiyay inuu aad u habacsan yahay hannaanka wada shaqayneed ee hay’aadka u xilsaaran amaanka sida noocyada kala duwan ee ciidamada oo aan lahayn talis dhexe (Central command), waxaan sidoo kale jirin tillaabo fal-curin ah oo ka degsan amaanka, qorshayaal iyo istaraatijiyado lagu wajahayo amaanka, waxaa sidoo kale jirta niyad iyo kalsooni xumo (bad faith) ku kala dhex jirta qaar badan oo ka tirsan madaxda hay’adaha amaanka, xafiiltan dhanka jagooyinka ah, isku xumeeyn, anigaa iri iyo is atoorayn ay marar badan wax ku khaldamaan, taasoo ah sababta ka dambaysa weerarro iyo tillaabooyin xaaladda uga dara oo lagu qaado ashkhaas gaar ah.

WEERARKII ISLA WASAARADDA AMAANKA

Waxyaabaha muujinaya habacsanaanta dhanka amaanka ah ee ay dadku kaga shakisan yihiin hab-raaca iyo howl gudashada hay’adaha amaanku waxay sii xoogaysteen markii beri dhowayd la weeraray ee gudaha loo galay isla xaruntii Wasaaradda Amaanku degganayd.

Waxaa la ogyahay inay dhowr isbaaro (check points) ka horreeyaan xaruntaasi, laakiin waxaas oo dhan way ka gudbeen qolyaha weeraray Wasaaradda, waana arrin aad loogu badinayo in lagala shaqeeyay, taasoo farta ku godeeysa isla howlwadeennada waaxaha amaanka iyo sirdoonka.

DAD KA TIRSAN SIRDOONKA WAAXAHA AMAANKA OO LA DILO

Marka uu qof sirdoon yahay waxaa kaliya ogaan kara cidda ay u shaqeeyso waana sir culus inay gacan 2-aad ama 3-aad ka war hesho, sidaa darteed, waxaa marar badan la is waydiiyaa cidda dusisa siraha dadka dhar cadka ah (under cover agents) ee waaxaha amaanka la shaqeeya ee magaalada lagu dilo? Waxaa dadka noocaas ah ee la diley ka mid ahayd Aamina Xuseen Xasan oo la sheegay inay la shaqaynaysay nabad-sugidda, taasoo lagu dhex toogtey Jaamacadda Somalia. Su’aashu waxay tahay yaa dusiyay xogta Aamina?

GAWAARIDA OO SAHAL LAGU FASOXO!

Hadalsame wuxuu kuurgal ku sameeyay sida ay ciidamada amaanka ee jooga isbaarooyinka amaan ee jidadka Muqdisho u wajahaan gawaarida jidka ku joogta, waxayna dad kala nooc ah oo aanu waydiinney isku raaceen inay jirto habacsanaan aad u wayn oo halis ah iyo feejignaan la’aan, tusaale ahaan, meel aanayn dadku xitaa lug ku mari karin ayaa waxaa ka gudbaya gaari qarax sida.

Waxaannu dib ugu laabanaynaa arrintii kaararka, waxaa naloo xaqiijiyay in qofkii kaarkaas wataa uu yahay lama taabtaan, waxaa ku xiga qofkii dhowr shilin tuura iyo midkii ay is yaqaannaan ama is weji garanayaan askariga meesha taagan, yaysanba si rasmi ah isu aqoone, kaddib qofku sidaa ayuu ku gudbayaa iyadoo aan xitaa gaariga la furin oo aan la eegin, waana burrin amaan (security breach), waayo inaad qofka shakhsiyan u taqaannaa meesha kama saari karto baaritaanka joogtada ah (routine), isla markaana saf-marka ah (uniform).

SOO JEEDIN – Dowladdu waxay ilaa haatan keensan la’dahay qalab scan ah oo la dhigi karo meelaha muhimka ah oo uu gaarigu dul marayo si loo hubiyo waxa uu sido, waxaa kale oo muhim ah inay jiraan tillaabooyin ka hortag oo hordhac ah (proactive counter measures), si loo fasoqo wax kasta oo amaanka halis ku ah.

Isku soo wada duube waxan oo dhan iyo kuwo kale oo aynaan iminka sheegin, waxay ka mid yihiin qodobbada keenaya in aan amaanka la xakamayin iyadoo la dabaqayo tillaabo ka hor tag iyo qorshayaal ku dhisan fal-curin, ka hor fikirid iyo fogaan arag, haddii aan wax laga bedelinna maalin kasta dad qaali ah iyo qarankuba khatar bay u bandhigan yihiin.


Hadalsame Media