BIXI MAYNO! Ciidamada Burundi oo gaashaanka u daruuray inay ka baxaan Somalia! (Sabab?)

0

(Muqdisho) 23 Dis 2018 – Ciidamada Burundi ka jooga dalka Somalia ee qaybta ka ah AMISOM ayaa haatan soo saaray war ay ku diidan yihiin inay Somalia kala baxaan ilaa 1,000 askari marka la gaaro Febraayo 28, 2019.

Afahyeen u hadlay ciidamada Burundi, Colonel Floribert Biyereke, ayaa war rasmi ah ku sheegay inay diiddan yihiin in iyaga loo badiyo ciidamada baxaya, isagoo soo jeediyay in dal kasta ciidamo isla’eg laga saaro halkii la saari lahaa kuwa Burundi oo qura.

Burundi waa dalka 2-aad ee ugu qaaraanka badan dhanka AMISOM oo ay Somalia ka joogaan 21,500 oo askari, iyagoo ku leh 5,400, waxaana ka horreeysa Uganda oo ku leh 6,200, balse waxay ka horreeyaan Djibouti, Kenya iyo Ethiopia.

Arrintan ayaa imanaysa xilli la doonayo in si tartiib tartiib ah loo dhiso ciidamada xoogga Somalia ee SNA si ay xajmi iyo qaad ugu yeeshaan la wareegista amaanka qaranka marka ay wada baxaan AMISOM.

Hadalsame Media