Mustafe Cagjar oo si yaab leh uga hadlay dagaalada dhexmara Soomaalida iyo Oromada

0

(Wajaale) 22 Dis 2018 – Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar oo loo yaqaano Cagjar ayaa si yaab leh kaga hadlay dagaalada inta badan dhexmara dadka ka soo kala jeeda Oromada iyo Soomaalida, gaar ahaan deegaanka Mooyaale.

Mr. Cagjar oo saxaafadda kul hadlayay Magalaada Tog-Wajaale ee Xaduudka maamulka Soomaaliland iyo Itoobiya halkaasi oo uu kulan kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayuu sheegay in dagaalkaasi dhexmara Soomaalida iyo Oromada uu ahaa mid waligiis taagnaa.

Wuxuu ku eedeeyay in dad tiro yar oo Soomaali ah ay hurinayaan collaadaha soo laab laabtay ee deegaanka islamarkaana ay jiraan dhinacyo yar oo buu yiri siyaasadeynaya dhacdooyinka sida kuwa ka dhacay deegaanka Mooyaale.

 Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii dagaalo is xig-xigay oo ka dhacay Mooyaale ay galaafteen nolosha dad badan halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Hadalsame Media