DAAWO: Dibedbax ka dhacay magaalada Baydhabo

0

(Baydhabo) 21 Dis 2018 – Waxaa magaalada Baydhabo ka dhacay dibed bax lagu taageerayo Madaxwaynaha cusub ee KG, Cabdicasiis Lafta-gareen.

Halkan ka DAAWO…

Lama hubo inay cidi soo agaasintey dibed-baxan, yeelkeede, waxay ku qaylinayeen halku dhegyo ay ku taageerayaan madaxwaynaha Federaalka iyo midka KG.

Lafta-gareen ayaa Arbacadii, Diseembar 19 kusoo baxay doorasho lagu qabtay magaalada Baydhabo oo ay ka horreeyeen rabshado dad ku dhinteen oo magaalada ka dhacay kaddib qabashadii Mukhtaar Rooboow oo musharrixiinta ka mid ahaa.

Hadalsame Media