SUUQ CUSUB: Shirkadaha duullimaadyada oo isku garbinaya Somalia (Shirkado cusub oo imanaya)

0

(Muqdisho) 19 Dis 2018 – Amaanka soo hagaagaya ee Somalia iyo guud ahaan badbaadada duullimaad ayaa soo dedejiyay inay sharikaadka duullimaadyada caalamku iminka ku qalboobtamayaan inay qayb ka helaan suuqa Somalia.

Said Eliye, oo ah madaxa howlaha iyo xiriirka caalamiga ah ugu qaybsan garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa sheegay in kalsoonida amaan ee sii kordhaysaa ay keentay inay lasoo xiriiraan sharikaad caalami ah oo ay qaarna duullimaadyada bilaabeen qaarna wada hadal kula jiraan.

Warka sarkaalkan ayaa kusoo beegmaya jeer ay shalay duullimaad toos ah Muqdisho ka bilowday Kenya Airways oo isku xireeysa Muqdisho iyo Nairobi.

Sharikadda Kenya Airways ayaa noqonaysa middii 3-aad ee caalami ah ee toos uga degta Muqdisho kaddib Turkish Airlines iyo Ethiopian Airlines oo horayba shaqada u wadey, halka Qatar Airways ay maalin dhowayd shaacisay inay duullimaadyada bilaabayso bartamaha sanadka xiga.

Eliye ayaa sheegay in kaddib Qatar Airways ay sidoo kale wada xaajood kula jiraan sharikaadka Masar, Imaaraatka Carabta, Uganda iyo Sucuudiga, kuwaasoo iminka wada xiisaynaya inay duullimaadyo toos ah ku tagaan Somalia.

Hadalsame Media