Booliiska oo kaamarooyin ku xiraya xaafadaha ay Soomaalidu ku badan tahay ee Gothenburg (Sabab?)

0

(Göteborg) 19 Dis 2018 – Magaalada Göteborg ayaa la sheegay inay booliisku kaamirooyinka amaanka ee CCTV ku rakibi doonaan xaafado cusub tillaabo dembi ka hor tag ahaan, kahor inta aanu sanadku dhamaanin, sida lagu qoray wargayska Hem & Hyra.

Xaafadaha Storgöteborg ayaa heli doona ilaa 100 kaamiro oo kuwa booliiska ah si loola dagaallamo dembiyada, kuwaasoo ay rakibaadoodu durba bilaabmayso dhamaadka bishan Diseembar, waxaana xaafadaha lagu dhejin doono ka mid ah kuwa ay Soomaalidu u badan tahay sida; Bergsjön, Biskopsgården, Hammarkullen, Hjällbo iyo Tynnered. 


Arrintani waxay ka tarjumaysaa isbeddel lagu sameeyay xeer hore oo ay sharikaadka guryaha laga ijaartaa arrintaa ku maarayn jireen, halka ay kaamirooyinka booliisku inta badan ku ekaayeen bartamaha magaalada.

Kaamirooyinka amaanka ee CCTV ayaa ilaa xad yareeya dembiyada qaar sida dhaca guryaha iyo xatooyada, balse inta badan ma horseedaan hoos u dhac ku yimaada dembiyada gacan ka hadalka la xiriira, sida ku cad tirakoobyada.

Hadalsame Media