Shir ku saabsan la dagaalanka Musuq-maasuqa oo ka furmay Muqdisho

0

(Muqdisho) 19 Dis 2018 – Wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka furtay shir wada tashi ah oo ku aadan istaraatiijiyada la dagaalanka Musuq-maasuqa.

Kulankan oo socon doona hal maalin ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalaya Wakiilo ka socda Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hanti dowraha guud ee Qaranka.

Dowladda Soomaaliya ku celcelisa inay ka go’an tahay la dagaalanka Musuqmaasuqa oo ka mid ah waxyaabaha aafeeyay dalka Soomaaliya.

Hadalsame Media