QARAN aan is QIRIN wuu wada QARSOOMAA!

0

(Hadalsame) 19 Dis 2018 – IS QIRIDDA GALBEEDKA: Marka aad maqasho ”Dalka Belgium waa midka ugu shukulaato wanaagsan dunida!” waxaa jira dalal isaga uga fiican dhanka wershadaynta farsamo ahaanna xitaa sax maaha tibixdaasi, laakiin ujeedka laga leeyahay waa caqliyad ay reer Galbeedku isku boqraan oo ay madaxa iskugu wayneeyaan, ilaa aad aragto in dal kasta ay wax ku xayaysiiyaan kana iibsadaan si ay u kobciyaan.

IS INKIRIDDA & ISKA DABA QAADASHADA – Soomaali haddaan nahay waa bil caksi, waxa qof ku fiican yahay loogama haree waa laga daba qaataa, xitaa fankeenna eeg inta gabdhood ee maagaysa inay Xaliimo Khaliif (AUN) iska dhigaan, halkii ay qiri lahaayeen inay taasi tahay hibo gaar ah oo ay lahayd oo ay iyaguna jid kale mari lahaayeen, maadaama ay iskood hibo u yeelan karaan.

Waxaa kale oo dhanka Soomaalida ka jirta wax aan u bixiyay ”qiritaan xeeladaysan” waana midka lagu amaano qof dhintay oo aan berigii uu noolaa wanaaggiisa la maqli jirin ama mid dheer. Tusaale, haddii uu Erdogan oo kolonyo 50 gaari ihi ku joogaa uu jidka bartamihiisa istaago isagoo salaamaya gabar yar oo Turkish ah waa ”hoggaamiye dhab ah oo naxariis badan”, balse haddii uu sidaa yeelo hoggaamiye ama xitaa qof Soomaaliyeed waa ”is tustus” ama ”igu sawir”.

Dalkan Sweden oo aan ku noolahay oo ah dalka bed ahaan ugu baaxad wayn Yurubta Galbeed, wuxuu sida Soomaalida leeyahay lahjado kala geddisan, balse arki maysid qof Swedish ah oo si ixtiraam la’aan ah u dhaajinaya lahjad kale, waxay ka mid tahay is qiritaanka naga maqan.

Marka la eego dhanka macnawiyadda, qofka insaanka ihi sidii NAL ayuu u shidmaa markii la qiimeeyo ama la qiro qaaraanka uu gaystey, taasoo keenta in uu sii toban jibaaro wax qabadkiisa, taa caksigeedana wuu ku damaa oo waa dambas haddii la xaqiro waxqabadkiisa.

Soomaalida oo la sheego inay inta badan runta ku mahmaahdo xitaa haddii aysan ku dhaqmin waxay tiraahdaa ”Gacalo waa gacmo is dhaafay”, sidaa darteed qir walaalkaa si uu isna kuu qiro oo uu qalbiguna u wanaagsanaado.

Taas ayaa labadiinnaba wax badan idiin tari doonta.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media