Imisa jeer ayaa been loo sheegay ”shacabka” Somaliland?

0

(Hadalsame) 19 Dis 2018 – Waxaa lay noo sheegay in Dawladda Imaaraatku aqoonsatay Passport-ka Somaliland “Been bay noqotay”.

Waxaa laynoo sheegay in Imaaraatka Carabtu inoo dhisayo Jidka Berbera Corridor “Been bay noqotay”

Waxaa lay noo sheegay in dalalka Dpworld dekeddahooda la wareegto kumanaan qof ay u shaqo gayso suuqyada imaaraatka, sidaasi darteed’na DPworld 5000 oo muwaadiniin reer Somaliland ah ay u shaqo gayn doonto imaaraatka “Iyana been bay noqotay”

Waxaa lay noo sheegay in sannad gudihii dekedda Berbera 400mtr lagu kordhinayo, labba sannadood ayaa kasoo wareegay “Been bay noqotay”.

Xulufadda Sucuudiga inaynu ku biirno waxa lagu sheegay in sucuudigu Somaliland dhaqaalaha ka taageeri doono “Been bay noqotay” xataa qof shacab ah oo sucuudiyaan ahi inooma iman.

Muwaadin intaas oo been ah iyo in kaloo kasii badan haddii
aad ka hayso addeegayaashii shaqaalaha ku ahaa ma mudan yihiin inaad kusii aaminto masuuliyada?

Sideese iminka u aqbali kartaa in lagula soo hor istaago Somaliland waxay xubin ka noqotay, dalalka Afka Faransiiska ku hadla; ilayn waad og tahay oo aniguna Kuma hadlo, adiguna Kuma hadashid iyaguna Faransiis Kuma hadlaane?

Waxaa Qoray: Cabdirisaaq Terra

AFEEF: Qoraal kasta wuxuu xambaarsan yahay aragtida qofka ku saxiixan

Hadalsame Media