Wararkii ugu dambeeyay ee Magaalada Baydhabo iyo doorashada (Faahfaahin)

0

(Baydhabo) 18 Dis 2018 – Amaanka Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo la filayo in doorashada hoggaamiyaha maamulkaasi ay dhacdo maalinimada berrito ah.

Musharixiinta oo gaaraya shan xubnood ayaa shalay iyo doraad jeediyay khudbadahooda waxaana berrito oo bishu tahay 19 la filayaa in la qabto doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo badan oo ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed la dhigay guud ahaan waddooyinka muhiimka ah ee Magaaladda Baydhabo.

Magaalada ayaa martigalisay qalalaase dhimasho iyo dhaawac keenay kadib markii ciidamada amniga iyo kuwa Itoobiya ay xireen Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur oo ka mid ahaa Musharixiinta u cararaya hoggaanka Maamulkaasi.

Hadalsame Media