”Xoojinta wada shaqaynta!” – RW Khayrre oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamanka

0

(Muqdisho) 17 Dis 2018 – RW Somalia Xasan Cali Khayrre ayaa kulan caawa la qaatay Guddoonka Baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa caawa kulanka ku yeeshay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo ku dhow Isgoyska Zoobe.

Kulankan ayaa dhacay kaddib markii uu maanta magaalada Muqdisho kusoo laabtay RW Khayrre oo shir ugu maqnaa dalkaasi Qadar wuxuuna kulankani daba socdaa mid kale oo shalay dhex maray guddoonka sare ee Baarlamanka oo horay iskugu khilaafay mooshin laga keenay Madaxwaynaha Somalia Md Farmaajo.

Khayrre ayaa sidatan soo qoray:  ”Waxa aan caawa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo aan ka wada hadalnay xoojinta wada shaqeynta xukuumadda iyo Golaha Shacabka.”  #NabadIyoNolol

Warar hoose ayaa sheegaya in sida warka Khayrre ka muuqataba mabda’ ahaan la isku waafaqay in la wada shaqeeyo, waloow ay weli jiraan waxyaabo yar yar oo u baahan in la turxaan bixiyo.

RW Khayrre

Hadalsame Media