SAWIRRO: Booliska Soomaaliya oo isku diyaarinaya Munaasabadda Xuska Xilligii la aas-aasay

0

(Muqdisho) 18 Dis 2018 – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa diyaar garowgii u dambeeyey ugu jira munaasabadda Xuska Xilligii la aas-aasay Booliska waxaana dhoola-tus tijaabo ah maanta ay ku qabteen Garoonka kubadda Cagta ee Koonis.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa kormeeray xarunta Ciidanka dhoola-tuska ay ku sameynayeen, waxaana uu salaam sharaf ka qaatay cutubto ka tirsan Ciidanka.

S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa waxa uu dhammaan qeybaha kala duwan ee uu ka koobanyahay Ciidanka Booliska ku ammaanay aqoonta iyo xirfadaha kala duwan ay soo bandhigeen, isaggoo kula dardaarmay inay noqdaan kuwa mar kasta bulshadda uga faa’iideeyo aqoonta, asluubta, wanaagga, aaminaada iyo waddaninimada.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20 December 1943 ayaa sanadkaan xusi doona Sanad guuradii 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Booliska, waxaana sanadkaan Munaasabadda laga darreemayaa u diyaar garow aad u ballaaran.

Hadalsame Media