Xaaladda Baydhabo oo degan kadib rabshado sababay dhimasho

0

(Baydhabo) 15 Dis 2018 – Wararka laga helayo Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in saaka Xaaladu degan tahay, hase ahaatee waxaa jirta cabsi laga qabo in rabshadihii dib u soo laabtaan.

Sida ay sheegayaan ilo xog xogaal ah waxaa ciidamo badan lagu daadiyay xarumaha maamulka Koonfur Galbeed waxaana Magaaladda dhexdeeda lagu arkayaa gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Midowga Afrika gaar ahaan kuwa Itoobiya.

Qalalaasihii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaaladda Baydhabo kuwaas oo ka dhashay xariga wadaadka lagu magacaabo Mukhtaar Roobow ayaa galaaftay nolosha ku dhawaad 12 ruux oo uu ka mid ahaa xildhibaan ka tirsanaa Koonfur Galbeed.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Amniga ayaa war ay soo saartay ugu baaqday shacabka Baydhabo inay amniga ka shaqeeyaan ayna dhowraan xasilloonida deegaanka.

Inta ay socdeen banaanbaxyada waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur, iyadoona ay xusid mudan tahay in halkaasi lagu dilay xildhibaan ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed.

Hadalsame Media