Beesha Caalamka oo war ka soo saartay xaaladda Koonfur Galbeed, Soomaaliya

0

(Muqdisho) 15 Dis 2018 – Qoraal ka soo baxay  QM, Midowga Europe, AMISOM, dalalka Maraykanka, Britain, Sweden, Norway,Denmark, Finland, Faransiiska, Holland, Jarmalka, Turkiga, Talyaaniga, Ireland,Kenya, Uganda iyo Switzerland ayaa lagu cambaareeyay xasaradaha ka socda Magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay iyadoona madaxda Maamulkaasi loogu baaqay inay xaaladda dejiyaan.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale cambaareysay dil Magaaladda Baydhabo loogu gaystay xildhibaan ka tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed, waxaana sidoo kale ay ku baaqeen in dhamaan dhinacyada ay quseyso ay ka shaqeeyaan nabadgalyada iyo horrumarka deeegaanka si looga fogaado arrimo bini’aadanimo oo ka dhasha xasaradaha taagan.

Waxaa sidoo kale ay ku baaqeen in wadahadal iyo wadaxaajood lagu dhameeyo murranada siyaasadeed ee deegaanka si doorasho xor iyo xalaal ay kaga qabsoonto.

Hadalsame Media