Howlgalka AMISOM oo ka hadlay xariga Roobow (Faahfaahin)

0

(Muqdisho) 15 Dis 2018 – Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xariga hoggaamiye kuxigeenkii hore ee Al-Shabaab Sheikh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur oo hadda la xiray xili uu u tartamayay doorashada maamulka Koonfur Galbeed, Soomaaliya.

Ambassador Madeira ayaa sheegay in AMISOM aysan wax qayb ah ka qaadan xariga Roobow iyo u soo wareejintiisa Magaaladda Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in AMISOM ay sii wadi doonto aqoonsiga iyo ixtiraamka ay u hayso madaxbanaanida dadka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana ay ka go’an tahay in doorkoodu ahaado mid dhexdhexaad ah, iyadoona taabagalinaysa AMISOM howlaha ay u joogto dalka Soomaaliya.

‘’Waxaan dooneynaa dhinacyada oo dhan in ay ku dadaalaan sidii loo xalin lahaa xiisada siyaasadeed ee ka jirta magaalada Baydhabo, iyo hubinta in si nabad ay ah u dhacdo doorashada, AMISOM waxaa ay sii wadi doontaa la shaqeynta dhaw ee dadka iyo xukuumadda Soomaalya’’ ayuu Yiri Madeira.

 Waxaa uu sheegay ka AMISOM ahaan ay si gaar ah uga xun yihiin dadkii ku dhintay rabashadihii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Baydhabo isaga oo tacsi udiray qoysaskii ay dadkaasi ka baxeen.

Hadalsame Media