Diblomaasiyiin ka socda Soomaaliya oo tababar uga furmay Doxa +SAWIRRO

0

(Doha) 10 Dis 2018 – Diblomaasiyiin Soomaali ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku tababar uga furmay Machadka Diblomaasiyadda ee Qatar.

Ugu yaraan 10 Diblamaasi oo ka socda Soomaaliya ayaa ka faa’iideysanaya tababarkaan heerka caalami ah oo socon doona muddo shan maalmood ah.

Tababarka ayaa lagu qaadanayaa casharro ku saabsan habka wadaxaajoodka iyo nabad samaynta, caqabadaha qaanuunka caalamiga ee bani’aadannimada iyo mowduucyo kale oo ka qeyb qaadanaya horumarinta xirfadaha looga baahanyahay diblamaasiyadda.

Hadalsame Media