”Car isku DAY!” – Ronaldo oo Messi ku xujeeyay arrimo uu isagu sameeyay balse aan Messi weli u suuragelin!

0

(Torino) 10 Dis 2018 – Qannaaska Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa xujaystey Lionel Messi si uu ugu soo biiro Serie A oo uu isagu Madrid ugasoo wareegey kaddib 9 sano, isagoo mudadaa arbaha Barcelona kula hardami jirey El Clasico iyo rakada Ballon d’Or.

“Waxaan ka ciyaaray England, Spain, Italy, Portugal iyo xulkayga, halka uu isagu weli Spain joogo. Laga yaabee inuu ii baahan yahay in ka badan intaan u baahnahay.” ayuu yiri Ronie.

“Waan jeclaan lahaa inuu maalin uun Talyaaniga yimaado. Waxaan quud darraynayaa inuu aqbali doono xujadan, balse haddii uu meeshiisa ku faraxsan yahay waan qiimaynayaa taana.

“Waa laacib cajiib ah iyo qof wanaagsa, balse anigu cidna ma tebo. Halkani waa nolosheeyda cusub waana ku faraxsan ahay.” ayuu ku afjaray Ronaldo oo sheegay inay Juventus ka wada duwan tahay kooxihii uu soo maray.

Hadalsame Media