GO’AAN XANUUN BADAN! Nin lakaa doorransiiyay inuu mid badbaadiyo xaaskiisa ama gabadhiisa1! + Sawirro

0

(Littleton) 06 Dis 2018 –  Waxay noqon lahayd maalintii ugu farxadda badnayd dunida, balse nasiib xumo waxay isu bedeshey maalin calwasaad badan oo ay tahay inuu go’aamo adag qaato Frederick Connie.

Xaaskiisa Keyvonne Connie oo markii hore uu sidkeedu go’i lahaa bisha Jannaayo ayay fool hordhac ihi kusoo booddey iyadoo bilowday inay gudaha ka dhiig baxdo, jeer ay ku sugnayd gurigooda oo ku yaalla Littleton, Colorado.

Deeto ninkeeda oo u yimid iyadoo dhiig dhex fadhida ayaa isbitaal ula cararay, waxay se dhakhaatiirtu u sheegeen Frederick inuu kala doorto badbaadinta xaaskiisa ama gabadhiisa uurka ku jirta, iyadoo loo diyaariyay qalliinka C-section ee ilmaha dhinac laga soo saaro, taasoo uu midkood halis ixtimaal sare leh ku jirey.

Frederick ayaa sheegay inuu qamaaray isagoo ku dooday inay xaaskiisu aad u doonaysay inay ilmo dhasho, isla markaana rajeeynayay inay xaaskiisu badbaadi doonto ayaa doortay in ilmaha la badbaadiyo.

Xaaska oo qalliinkii hore ee C-section ka badbaaddey welibana daawatay sawirro laga soo qaaday daqiiqado yar ayaa nasiib darro daqiiqado yar kaddib xijaabatey.

Hadalsame Media