DAAWO: ”Haweenoow guryihiinna ka feertama!” – Khabiib oo sheegay war muran badan keenay!

0

(Riyaad) 06 Dis 2018 – Feeryahanka Miisaanka Fudud ee Khabib Nurmagomedov ayaa biyo kulul ku dhacay oo cambaarayn baahan la kulmay kaddib markii uu ku taliyay in sida uu yiri ay “haweenku ay guryohooda ka dagaallamaan” mar uu ka jawaabayay su’aal ku aaddan waxa uu ka qabo haweenka ku jira saaxada feerka.

Ninkan ayaa kasoo muuqday munaasabad lagu magacaabo MISK mar uu booqday Saudi Arabia, iyadoo feeryahanka oo haysta suunka UFC ay gabar dadka ka mid ihi waydiisey talada uu siinayo hablaha doonaya inay feerka ka qayb qaataan.

“Ma hablaha? Waxaan u hayaa talo aad u wanaagsan, guryihiina dagaalyahanno ka noqda,” ayuu yiri Nurmagomedov.

“Talo kale, had iyo goor u dhamee ninkaaga, oo dhulka si xun ula dhac,” ayuu daba dhigay, balse arrintan ayaa muran ballaarani ka dhashay kaasoo weli u holcaya sida dabkii California.


Hadalsame Media