Kulamaddii Baarlamaanka oo maanta dib u billaabanaya

0

(Muqdisho) 05 Dis 2018 – Kulamaddii Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay dib u bilowdaan kadib hakad ku yimid asbuucyadii la soo dhaafay.

Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah, xildhibaanada Baarlamaanka ayaa mid ka mid ah fadhiyadoodii caadiga ahaa ku yeelanaya Muqdisho waxaana shir guddoomin doona guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan.

Ajandaha ayaa lagu sheegay ka doodista hindese sharciyeed horyaala Gollaha waxaana la filayaa in sidoo kale xildhibaanadu ka hadlaan xaaladda guddiga Maaliyadda.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in arrimaha muranka badan dhaliyay ee kala dirista guddiga maaliyadda lagu xalin doono gollaha dhexdiisa.

Hadasame Media