Weriye ku dhaawacmay qarax loogu dhajiyay gaarigisa

0

(Muqdisho) 04 Dis 2018 – Weriye Ismaaciil sheikh Khaliifa ayaa ku dhaawacmay qarax loogu xiray gaarigiisa sida ay sheegayaan dad goojoogayaal ah iyo hay’addaha Booliska Soomaaliya.

Weerarka oo ka dhacay degmada Waaberi ee Magaaladda Muqdisho galinkii dambe ee galabta ayaa la sheegayaa in Weriye Ismaaciil loola cararay mid ka mid ah Isbitaaladda Magaaladda.

Xaaladda Weriyaha ayaan illaa hadda wax badan laga ogeyn hase ahaatee qaar ka mid ah weriyaasha Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in dhaawaca uu ka soo garay qaarka dambe iyo dhabarka.

Qaraxa ayaa ahaa sida la sheegay mid lagu xiray gaariga weriyaha lamana oga cida ka dambeysa iyadoo aysan jirin cid sheegatay masuuliyada weerarkan

Weriye ismaaciil sheikh Khaliifa ayaa agaasime ka ah mid ka mid ah Idaacadaha ka howlgala Magaaladda Muqdisho.

Hadalsame Media