XOG: Manchester City oo halis ugu jirta in laga cayriyo tartamada Yurub!

0
Manchester City's German midfielder Ilkay Gundogan (3rd L) celebrates with teammates after scoring his second goal during the UEFA Champions League round of 16 first leg football match between Basel and Manchester City at the Saint Jakob-Park Stadium in Basel on February 13, 2018. / AFP PHOTO / SEBASTIEN BOZON (Photo credit should read SEBASTIEN BOZON/AFP/Getty Images)

(Manchester) 04 Dis 2018 – Manchester City ayaa halis ugu jirta in gebi ahaanba laga eryo Champions League xilli-ciyaareedka soo aaddan kaddib markii ay jebiyeen xeerka dhaqaale wanaagga FFP, sida lagu helay warbixin hor dhac ah.

Kooxda uu tababaro Pep Guardiola ayaa sugaysa g’aan kasoo bixi doono UEFA oo haatan soo afjartay baaritaan ay waddey oo ku saabsan jebinta xeerka UEFA Financial Fair Play, taasoo uu horay u kashifay Football Leaks, taasoo keeni karta in koobabka Yurub laga cayriyo kooxdaasi fasalka xiga.

Sida ay warbixintani sheegayso, maamulka City ayaa 2014-kii sameeyay xisaabaad been abuur ah oo si cad uga hor imanaya xeerka dhaqaale wanaagga FFP, si ay uga baxsato in tartannada Yurub laga saaro.

Yeelkeede, kaddib markii ay soo bexeen warbixinnada Football Leaks ayay UEFA ku khasbanaatay inay dib u booqato galalkii Man City, waxaana la sheegay inay haatan tillaabo u jirto inay soo gebagebeeyso baaritaanka, iyadoo go’aamada ay ku jiri karaan kuwo lacageeg, xadidaad suuqa ah iyo xitaa in gebi ahaanba City sanad laga mamnuuco koobabka Yurub.

Kooxda AC Milan ayaa ugu dambaysay koox xukun noocaas ah lagu rido, balse waxay ka qaadatay rafcaan ay ku guulaysatey.

Hadalsame Media