Arsenal oo daawanaysay ciyaartii Roma-Inter (Laacib €50m oo ay doonayso)

0

(Roma) 02 Dis 2018 – Arsenal ayaa sida lasoo weriyay ilaalo u fiirsata usoo dirsatay laacibka Cengiz Under kuwaasoo daawanayay ciyaartii hadda dhamaatay ee Roma iyo Inter ee 2-2 ku idlaatay oo uu gool qurux badan ka dhaliyay, balse Roma ayaa doonaysa €50m.

Laacibkan 21-jirka ah ee reer Turkey ayaa ka dheeli kara boosas badan oo weerarka ah, sida bidix, midig iyo weerarka dhexe, wuxuuna qandaraaskiisu dhacayaa Juun 2022.

Wuxuu kooxdiisa ugu kacay €13.4m iyo bareemiyo ay siiyeen kooxda Basaksehir bishii Luulyo 2017. Wuxuu dhaliyay 11 gool isagoo dhigay 7 kale, 48 kulan oo uu u saftay Giallorossi.

Hadalsame Media