Cutubyo ka tirsan ciidanka Danab oo gaaray Dhuusamareeb (Sababta)

0

(Dhuusamareeb) 03 Dis 2018 – Wararka ka imaanaya Magaaladda Duusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa gaarka ee Danab ee dowladda Federaalka Somaaliya.

Ciidamadan oo ah kuwa si aad u qalabeysan islamarkaana Maraykanku taageero ayaa howgallo ku dhufo oo ka dhaqaaaq ah inta badan ka fuliya deegaanada ay maamulaan ururka Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Danab ee tagay Dhuusamareeb ay isku diyaarinayaa howgallo qorsheysan oo ay ku qaadaan deegaanada gobolka Mudug iyo Galgaduud ee ururka Al-Shabaab ku sugan yihiin.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa sii kordhayay weerarada cirka ee diyaaraddaha Maraykanka ay gaysanayaan tuulooyin iyo degmooyinka ka tirsan gobolka Mudug halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsanaa sida la sheegay ururka A-Shabaab.

Hadalsame Media