SAWIRRO: Hoggaamiyaha Jabhadda ONLF oo muddo dheer kadib ku laabtay Itoobiya

0

(Addis Ababa) 01 Dis 2018 – Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta gaareen wafdi Sare oo ka tirsan ururka ONLF. Waxaa Wafdigaan hoggaaminayay sida la sheegayo guddoomiyaha Jabhadda ONLF Maxamed Cumar Cusmaan.

Mr. Cusmaan ayaan muddo ka badan 10 sanno aan cagta dhigin Itoobiya, yeelkeede waxaa guddoomiyaha ONLF oo ay wehlinayaan xubno ka tirsan ONLF oo fadhigoodu yahay Casmara soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay Axmed Shide oo ah Madaxa Xisbiga talada haya ee dowlad deegaanka ahna wasiirka Maaliyadda Itoobiya iyo Madaxweynha Ismaamulka Soomaaliya Mustafe Muxamed Cumar, Cagjar.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoona dowladda Itoobiya heshiisyo la gashay jabhaddihii hubeysanaa oo ay ka mid ahayd Kooxda ONLF oo ka dagaalami jirtay dhulka Soomaali Galbeed.

Hadalsame Media