Ethiopian oo meel muhim ah kala wareegtey Imaaraatka (Maxay Somalia ka baran kartaa?)

0

(Addis Abeba) 01 Dis 2018 – Ethiopia ayaa Dubai kala wareegtey dalka Transit-ka ku maraan dadka ugu badan ee u socda Afrika, sida ay sheegtay hay’adda ka tala bixisa dhanka duullimaadyada ee ForwardKeys.

Gegada caalamiga ah ee Addis Ababa ayaa aad u kordhisey tirada musaafurka caalamiga ah oo u socdaalaya dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya sanadkii 5-aad oo xiriir ah, waxayna sanadkan 2018 ka hor mareen Dubai.

Xog tirakoob oo lag sameeyay 17 milyan oo tigidho maalin qura jartay ayay ForwardKeys ku sheegtay in dadka u socda ama ka socda dalalka Saxahara ka hooseeya ee Addis Ababa mara ay kordheen 85 boqolkiiba min 2013 ilaa 2017. Halka Dubai ay mudadaa korodhay 31 boqolkiiba oo qura.

WELI WAY KOBCAYSAA

Ethiopian Airlines, oo ah sharikadda haatan ugu wayn qaaradda Afrika ayaa 2010-kii dejisey qorshe ballaaran oo ay ku beegsanayso inay suuqa Afrika ka qabsato Turkish Airlines iyo Fly Emirates.

ForwardKeys ayaa sheegtay inay arrintani sii kordhi doonto iyagoo u aaneeyay siyaasadda RW Abiy Ahmed, oo xilka dalkan 105 m qof ka kooban yimi bishii Abriil, isagoo ballan qaaday inuu furfurayo ganacsiga dalkaasi oo ay in badan gacanta ku haysi dowladdu, si loo helo maalgashi caalami ah.

Wuxuu sidoo kale beddeley siyaasadda Itoobiya ee Geeska Afrika, isagoo sidaa ku furay laba dhabbe oo cusub oo kala aadaya Casmara iyo Muqdisho oo ay durba bilowday Ethiopian Airlines oo la saadaaliyay inay sanadkii kori doonto 40%.

Somalia oo weliba ka istaraatijisan Itoobiya ayaa u muuqata mid feceed ka hartay iyadoo laakiin haysata fursad ay mustaqbalka dhow uga faa’iidaysato dhinacan iyo weliba dhanka Badda. Balse waxaa taa dhalin kara siyaasad qaran iyo qoon bisil.

Hadalsame Media