DAAWO: ”Xitaa waxaa naloo diidey inaan reereheenna ku abtirsanno!” – Dadka qaba AIDS-ka oo ka sheeganaya FAQUUQ baahsan!

0

(Muqdisho) 01 Dis 2018 – Cudurka AIDS-ku waa cudur dilaa ah oo aan laga raysan wuxuuna ku faafi karaa galmada iyo dhecaannada qaar sida shahwada, dhecaannada iyada ka horreeya, dhiigga, dhecaannada kale ee ka yimaadda gudaha cambarka iyo caanaha naaska. Mar mar dhif ah wuxuu ku faafi karaa shumiska, waase haddii uu jiro nabar furan oo afka ama gudihiisa ku yaalla.

Yeelkeede, AIDS-ku kuma faafo taabashada, hab siinta, guri ku wada noolaanshaha haddii aan la wadaagin cadayga iyo sakiimaha ama maqaska garka iyo timaha lagu xiirto, in cunnada la isla cuno haddii aan afka lagu burburin oo aan qofka kaddib la siinnin, dhareerka, dhididka, illinta, in biyo tubo qura laga cabo, kaneeco qaniinta qofka cudurka qaba oo adna ku cunta, fadhiyada musqulaha sidoo kale laguma kala qaado.

Ha yeeshee, saasoo ay tahay misna dadka cudurkan la nooli waxay u bandhigan yihiin faquuq baahsan oo bulshada ka qabsada, kaasoo ay xitaa la kulmaan carruurta yar yar ee aan mararka qaar xitaa qabin cudurkan.

Nasteexo Faarax oo ka mid ah dadka HIV-AIDS-ka la nool ayaa ka hadlaysaa faquuqa loo geysto, xitaa reerkeeda ayaa u diiday in ayku abtirsato markii xanuunkan lagu arkay, sida ay sheegtay taasoo ah meel ka dhac wayn oo loo gaysanayo xuquuqda aasaasiga ah ee bukaanka qaba cudurka.

”Hooyooyinka foolanaya ayaa mararka qaar isbitaallada laga celiyaa!” ayay tiri Nasteexo.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media