Hooyo arrin loo qaadan waayay kula kacday ilmo 8-bilood jira oo ay dhashay!

0

(Mshomoroni) 01 Dis 2018 – Cunug yar oo 8-bil jir ah oo 3 todobaad kahor booliiska loo sheegay in laga xaday Mshomoroni in degmada Mombasa County ayaa dib loo helay.

Taliyaha Booliiska Mombasa County, Johnston Ipara, ayaa sheegay in Booliiska Nyali ay xabsiga dhigeen 3 qofood oo ay ku jirto hooyadii dhashay caana nuuggan, Joyce Wairimu, oo iyada lagu tuhmayo inay ilmaha yar iibisey.

Baby Consolata Wambui ayaa cunugga yar kasoo helay guriga Margaret Wairimu oo ku doodday inay hooyadii tahay, iyadoo ku sugnayd Susumula oo ah agagaarka Molo .

Ipara ayaa sheegay inuu baaritaanku soconayo si loosoo saaro inta lacag ah ee lagu iibiyay cunugga yar, iyadoo xitaa dadwaynaha loo ballan qaaday 100,000 oo shilin haddii ay wacaalkiisa sheegaan. Isniinta ayaa eedaysanayaasha la maxkamadan doonaa.

Hadalsame Media